Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu ka bilowday khilaafka Wasiirka Maaliyada & Xisaabiyaha Qaranka? (Akhriso)

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay qaar ka mid ah heyadaha Maamulka dhaqaalaha ee dowlada federaalka Somalia gaar ahaan Wasaarada Maaliyada iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Sida aan ku soo tebiney Wararkeenii shalay khilaafka ayaa dibeda u soo baxay markii xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cusmaan Faarax ay ku eedeysay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed Xafiiska Wasiirka Maaliyadda.

Maxaa keenay khilaafka

Sida ku cad qoraalka ay soo saartay xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cusmaan Faarax khilaafka ayaa bilowday markii Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyle uu magacaabay xilka Xiriiriyaha Xisaabiyaha guud iyo heyadaha Maaliyada.

Talaabadan ayaa ka careysiisay Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cusmaan Faarax iyadoo sheegtay in maadaama labada heyadood ay kala madax banaan yihiin uusan wasiirku awood u laheyn inuu magacaabo xil noocaas ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiir Beyle uu xilka ku magacaabay ee sababay khilaafka:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Galmudug oo mar kale xilkaas isku soo taagay

Caydiid Ali

Gaadiid Qaraxo waday oo kusoo wajahnaa Muqdisho oo la bur buriyay

Cabdi Cade

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga HOP#140 oo caawa la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---