Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka oo fuliyay howlgal lagu dilay Al Shabaab badan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo caalami ah, ayaa xalay weerar dhinaca cirka ah waxa ay ka fuliyeen deegaanno kuyaalla xadka ay wadaagaan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Diyaaradaha dagaalka ayaana beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab, waxaa sidoo kale duqeynta lagu gubay gaadiid dagaal iyo kuwa xamuul qaada oo ay wateen Al Shabaab.

Taliyaha ururka 86-aad guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn lagu garaacay goobo ay joogeen Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan.

Waxa uu sheegay taliyahan in duqeynta Al Shabaab looga dilay 28-dagaalyahan, waxa uu sidoo kale tilmaamay in rag badan weerarkaasi looga dhaawacay, waxa uuna intaa ku daray in dhaawacyada Al Shabaab la geeyay Cowsweyne.

Taliye Cabdinuur Qadaaye ayaa sheegay in duqeynta diyaaradeed ee xalay dhacday lagu gubay gaari dagaal oo Cabdi Bille ahaa iyo sidoo kale labo gaari oo nuuca loo yaqaan BG ay xamuulka qaada.

Kooxda xalay weerarka cirka ah lagu beegsaday kooxdan katirsan Al Shabaab ayuu sheegay sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya in aagaasi shalay soo gaareen ayna ka abuubuli rabeen weeraro, waxa uua xusay in duqeynta dhacday xilli xoolo qalasho ku jireen.

Diyaaradaha dagaalka ee garabka siiya ciidanka xoogga dalka ayaa fuliya weeraro dhinaca cirka ah oo lagu beegsanayo Al Shabaab, weeraradaasi ayaana mararka qara khasaarooyin xooggan kasoo gaaraan Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ku dhowaad 100 ruux oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Kursiga Golaha amaanka ee Kenya ku guuleystay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Guddoomiye hore Maxamuud Maxamed Nuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---