Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo Shaacisay in ay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsata Somaliland

Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeesaneysa in ay fulineyso heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya , kaa oo ahaa in Itoobiya aqoonsato Somaliland, si dhankooda loo siiyo dekad iyo saldhig badeed.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Wershadaha dawladda Federaalka Itoobiya, Tarekegn Bululta, ayaa sheegay in Itoobiya noqon doonto dalka u horreeya ee maamulka Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan.

Qoraal uu wasiirkan soo dhigay barta uu ku leeyahay X ayuu ku sheegay in uu ku kalsoon yahay in dalkiisu aqoonsan doono dowladnimada  Somaliland, waxa uuna intaa raaciyay in diyaar u yihiin dhankooda fulinta heshiiskii horey labada dhinac u gaareen.

Wasiir Tarekegn Bululta ayaa sidoo kale sheegay in xulafada dowladda Itoobiya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo millatariga ay go’aanka ay maamulka Somaliland ku aqoonsanayaan ay ku raaci doonaan .

Dowladda Soomaaliya ayaan si weyn uga soo horjeeda damaca waalida ah ee Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho dhul badeed Soomaali leedahay, waxa ayna dowladda horey u qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo ka dhan ah heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo xabsi la dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo Washington kulan kula yeeshay Hafez Ghanim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xog Dheeraad ah oo laga helay Qaabkii Al Shabaab u dileen Sargaal katirsan CIA-da Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---