Duqa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, Geeddi Axmed Tuurre ayaa soo saaray amar ka dhan ah dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan caasimadda, gaar ahaan kuwa sharcidarada ku jooga ee kasoo jeeda dalka Itoobiya.
Geedi Axmed Tuure ayaana ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada Garawe uga baxaan dadka Itoobiyaanka ah ee sharcidarada ku jooga , waxa uuna ku adkeeyay dadkaasi in ay magaalada ka baxaan haddii kale tallaabo laga qaadi doono.
“Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad cod-dheer ugu sheegayaa luuqadda iyaga fahmi doonee in ay magaaladan isaga baxaan, maadaama aysan ku haysan wax sharciyad ah, haddii kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe.
Mudane Geeddi ayaa sheegay in qofkii aan ka bixin magaalada ee sharci la’aan ku sii jooga si xoog ah looga saari doono, islamarkaana isaga oo xirxiran laga saari doono, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah haysan.
“Qofkii aan ka bixin oo sharci la’aan ku sii jooga wuxu ogaan doonaa in isaga oo xirxiran laga saari doono magaalada, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah ku haysan” ayuu sii raaciyay Geeddi.
Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland waxaa buux dhaafiyay dad badan oo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Oromada, kuwaa oo si sharcidarro ah ku jooga deegaannada maamulkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com