Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta Salaada Ciidul-Adxa kula tukaday boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle magaalada Jowhar.
“Alle ha inaga aqbalo acmaasha, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul-Adxa.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabka inay isku naxariistaan oo ay is gargaaraan maalmahaan oo kale isna cafiyaan cidii wax kala tirsaneysa.