Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha been abuurka ah iyo aflagaadada, iyagoo raadinaya dhaqaale.
Xassan Shiikh ayaa sheegay inuu dadkaas ugu duceynayo in ilaahey meel kale irsaaqad xalaal ah ka siiyo, uguna bedelo been abuurka ay ummada dhex baahinayaan
“Beenta kuwa sheega ee dadka caaya iyo kuwa irsaaqada ka raadiya inay dadka aflagaadeeyaan waan u duceyneynaa, walaal inaad been dhaqaale ku raadiso waxaa ka macna badan inaad baahnaato adigoo run sheegaya,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin boogo badan oo si fudud loo damqin karo kuwaasoo sababi kara kala qeybsanaanta bulshada
“Dhalinyaro Waxaan idin leeyahay yaan la damqin boogahaas, kuwa beenta sheegayow ka jooga oo u soo noqda qiimaha ay leedahay diinteena suuban,” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkan jeediyey xili uu xalay hambalyo u dirayey shacabka Soomaaliyeed munaasanada ciida awgeed.
HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA