Shacabka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul adxaa, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo caasimada.
Dadweyne iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajida iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul adxaa.
Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira rag, haween iyo caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh kuwaasoo isku booqanaya guryaha iyagoo iskugu hambalyeynaya munasabada ciida, waxaana maanta oo kale si aad ah la isugu soo dhoweeyaa macmacaano kala duwan oo loogu talo galay munaasabada ciida sida Xalwada, buskutka, doolshaha iwm.
Dadka qaar ee awooda u leh ayaa ku mashquulsanaa qalida xoolaha Udxiyada si ay ugu sadaqeystaan dadka masaakiinta ah iyo kuwa deriskooda iyagoo kala qeyb qaadanaya farxada iyo dabaaldega munaasabada Ciidul adxaa, waxaana dadka guud ahaan wejiyadooda ka muuqata farxad fara badan.
Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ayaa waxaa sidoo kale saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ku ciyaaraan.
Madaxda dowlada ayaa xalay qalabka warbaahinta Qaranka hambalyo ku aadan munaasabada ciidul adxaa uga diray guud ahaan shacabka Soomaaliyed, iyagoo u rajeeyey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan dowladnimo nabad iyo barwaaqo.
Gobolada dalka intooda badan ayaa saaka si weyn looga ciidayaa, waxaana ka mid ah degaanada sida weyn looga ciidayo maamulada Somaliland Puntland iyo koonfurta Somalia gobolada ku yaala oo ay ku jiraan degaanada ay maamulaan xoogaga Al-shabaab.