Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo ka hadlay Qabuuraha meydadka laga saarayo baaqna u diray Madaxweynaha

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 54-aad ee golaha wakiiladda Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xaaladda Puntland iyo tan Soomaaliya.

Siciid Deni ayaa khudbada uu jeediyay uga hadlay aragtidiisa ku aadan qorshaha dowladda Soomaaliya meydadka uga saarayso qabuuraha Iskuul  Buluusiya, waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay mid laga fiican yahay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa in ay u dhimriyaan oo joojiyaan qabuuraha dadkii ku aasna laga saarayo, waxa uuna xusay in sharciga samaawiga iyo midka bulshada ixtiraam siinaya qabuuraha.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Saciid Deni in aysan jirin maanta baahi dhuleed oo dowladda Soomaaliya u qabto in la faago dhul qabuuro ku aasan yihiin, waxa uuna xusay in dhulka Soomaaliya badankiis uu bannaan yahay ayna dadkiisu yar yihiin.

Madaxweyne ayaana sheegay in uu la yaaban yahay in dowladda leedahay xeriyihii iyo dhulkii dowladda laheyd waa laga maarmay oo waa la iibinayaa, haddana aan laga maarmin qabuurihii oo la faagayo lagana saarayo dadkii ku aasnaa.

“Iyadoo aan ognahay in aanay baahi dhuleed loo qabin in qabuuro la faago, dhulka Soomaaliya, 70% waa bannaan yahay, meel kasta iyo goob kasta ayaa haddii loo baahdo laga fulin karaa arrimo ku saabsan baahiyaha dowladda, waxaa sidoo kale ognahay in xarumihii iyo xeryihii dowladda in la yiri waa laga maarmay oo la iibinayo, haddana la leeyahay qabuuro laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in dadka uu xukumo  u naxariisto, uuna qaato  go’aanno cusub oo ka dhan ah loogana laabanayo qabuuraha dadka laga saarayo..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Madaxtooyada oo si rasmi ah u shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Askari Dowlada Mareykanka u soo jiiday ceeb iyo fadeexad oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

(Akhriso) Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga doorashada Gobolada woqooyi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---