Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Waxbarashada oo si adag u beenisay warar lagu baahjiyay Baraha Bulshada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si adag u beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in shirkad gaar ah lagu wareejiyay in ay qaado lacagaha tasdiiqinta shahaadada ..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaana lagu sheegay in aysan jirin shirkad gaar loo leeyahay oo ay heshiis lacag qabasho kula jirto, waxa ayna sheegeen kaliya in wasaaradda Maaliyadda ay xafiis lacag qabasho ku dhex leedahay xarumaha adeegga tasdiiqinta.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaana sheegtay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid lacagihii horey wasaaradda u qaadi jirtay oo gaareysa 25-dollar sida qoraalka wasaaradda lagu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Duqeyn Ciidamada Kenya saakay u geesteen Ceel Waaq

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo safar dhulka ah ku tegay Magaalada Cadaado (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xi Jinping oo ciidamadiisa ku wargeliyey iney isku diyaariyaan dagaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---