Allbanaadir.com
NEWS

DF oo qorsheyneysa dhismaha Garoon dayuuradeed cusub oo caalami ah

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo qaabilsan duulimaadyada diyaaradaha ee imaanaya ama ka baxaya caasimadda dalka.

Maareeyaha ayaa sheegay in waqtiyada soo socda magaalada Muqdisho ay yeelan doonto garoon diyaaradeed caalami ah oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaradaha oo laga hirgalin doono ceelmacaan uu fududeyn doonto in laga boxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxa uu qiray in Sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doono dhismaha garoonka diyaaradaha, isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaanayey jawiga iyo badqabka garoonka Ceel-macaan oo ah meel ku habboon adeegga diyaaradaha.

 

Related posts

Guddiga doorashada Heer Federaal oo maanta Guddomiye dooranaya iyo olole socda

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday Deegaan dhawaan Al Shabaab laga xureeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynayaal Muqdisho kusoo wajahan iyo Wafdi horudhac u ah oo maanta yimid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---