Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga & Mareykanka oo soo geagebeeyey heshiis soo jiray 80 sano

Heshiiskii shidaalka ee Sacuudiga iyo Mareykanka ee dhigayay in kaliya lacagta doollarka lagu iibsan karo shidaalka Sacuudiga ayaa dhacay , kaaso jiray muddo ku dhow 80 sanno, waxaana lagu sheegaya guusha ugu weyn ee dhaqaale iyo isha ugu weyn ee horumarisay doollarka Mareykanka, taasoo dalalka adduunka oo dhan ku qasbaysay inay shidaalka Sacuudiga ku iibsadan kaliya lacagta doollarka.

Markii u horreysay waxay warbaahinta ka hadlaysa surtagalnimada inuu Sacuudiga joojiyo inuu heshiiskan cusboonaysiiyo, si uu lacago kala duwan ugu iibin karo shidaalkiisa, tan oo fursad siinaysa lacagaha  ay ku jiraan lacagta Shiinaha RMB, Euros, Yen, iyo Yuan, halkii ay ku iibin lahaayeen doolarka Maraykanka. Intaa waxaa dheer, isticmaalka suurtagalka ah ee lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin.

Laakin marka loo eego xiriirka labada dal iyo sida uu wali Sacuudiga u doonayo inuu ballaariyo iskaashigiisa Mareykanka, xilli dhawaan heshiis cusub ay labada dal oo difaaca ah saxiixayaan, waxaa jirta fursad weyn oo dib uu Sacuudiga ugu cusboonaysiin karo shidaalkiisa kaliya doollarka in lagu iibiyo, laakin hubaal Sacuudiga wuxuu la kulmi kara mustaqbalka caqabado, sida Shiinaha inuu mustaqbalka diiddi karo inuu doollar wax uga iibsado, laakin ma aha xata wax lagu degdegi karo inuu xilli dhow Shiinaha ka maarmi karo doolarka Mareykanka.

 

Related posts

Heshiiskii Dhuusamareeb 3 wuxuu banaanka soo dhigay saddex arrimood oo Qarsoonaa!!

Caydiid Ali

Ciidamo caawa la wareegay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado

Caydiid Ali

Doorasho Noocee ah ayaa isbedel Siyaasadeed ka dhalin karta Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---