Wararka naga soo gaarayo magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ururka argagixisada Al-Shabaab shalay taarikhdu aheeyd 8/1/2023 ay jidka u galaleen Sheekh caan ka ah degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo.
Sheekha la dilay oo lagu magacaabayay Sheekh Maxamad Axmad Aaden, ayaa kamid ahaa culimada suufida ee ku dhaqan degmada Balad Xaawo.
Marwada marxuumka Muxubo Macalim Daahiye oo waraysi siisay idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in Sheekha jidka loo galay ay la socdeen qaar ka mid ah xertiisa suufiyada, kuwaa oo kusiii jeeday siyaaro ( Booqasho), halkaas oo ay sheekha ku goowraceen ururka argagixisada ee Al shabaab.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, Al-Shabaab ayaa sheekha meeydkiisi meesha uga tagay, kadib waxaa soo qaaday meeydka marxuumka dadkii tuuladaasi deganaa oo aad uga naxay dilkiisa.
Sida ay noo sheegeen ehelada sheekha, ma ahan markii ugu horeeysay ee Al-Shabaab weerarto Sheekha, isla bishan 5teedii, ayay Al-Shabaab waxay weerareen Sheekh Maxamad Axmad iyo wiil uu dhalay oo guriga la joogay. Isbitaalka Khaliil oo ku yaala degmada B/xaawo ayaa noo xaqiijiyay in marxuumka meeydkiisa jirkiisa ay weli ku yaalaan jirdilkii ay ugeeysan jireen Al-Shabaab.
Kooxda Al Shabaab ayaa dil ugu xukuman qof kasta oo aragti ahaan kasoo horjeeda kooxda argagaxisada mayalka adag, waxa ayna si gaar ah u beegsadaan culimada Suufida oo mab’da ahaan si weyn isaga soo horjeedaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com