Allbanaadir.com
NEWS

Meyd laga soo saaray qabuuraha Iskool Buluusiya oo maanta laga dhoofiyay Muqdisho

Waxaa wali qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka socota in dadkii eheladooda halkaasi ku aasnaayeen kala baxaan, kaddib ammarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in halkaasi laga saaro meydadka dadka ku aasan.

Dad badan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay qabuuraha kala baxay qalfoofta ehelkoodii halkaasi sanadaha badan ku aasnaa, waxa ayna dib ugu aasayeen qabuuro kale oo ammaan ah .

Qoyska hooyo geeriyootay shan sanno kahor oo maanta haraadiga jirkeeda oo laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa loo dhoofiyay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mar kale la filayo in dib loogu aaso.

Ehelada marxuumad Warsan Xaaji oo shan sanno kahor lagu aasay qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa sheegay in meydka kala soo baxeen qabuuraha, waxa ayna xuseen in ay u qaadeen halkii ay ku dhalatay oo ay sheegeen in aysan jirin cid meydkeeda kasoo saareysa mar kale.

Dad badan ayaa meydadka ehelkooda haraadiga kasoo haray kala soo baxaya qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoona goobo kale dib ugu aasaya, waxaana ammarkan dowladda kasoo baxay dhaliyay hadal heyn badan iyo carro dhanka bulshada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo ku fashilantay in ay Ruushka ku wareejiso magaalada Saylac!

Cabdi Cade

DEG DEG: Wasiir kale oo iska casilay Xukuumada Xamse

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo daahfuray ololaha Kacdoonka Haweenka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---