Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar ayaa wadahadalka dhinaca telfoonka ah oo ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Xasan Sheekh ayaana Amiirka dalka Qatar uga warbixiyay xaalada dalka iyo guulaha siyaasadeed iyo mida dhinaca dagaalka ah oo dowladiisa gaartay, waxa uuna ka codsaday dowladda Qatar xordhinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya saameynta ku leh siyaasadda lagu hoggaamiyo dalka, waxa ayna Qatar dhaqaale xooggan ku caawisaa dowladda uu hadda hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay maamulada Xudur iyo Tiyeeglow? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay Weriyeyaal lagu xirxiray Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali

Xildhibaan Jeesow oo farta ku fiiqay cida ka dambeesay qaraxii uu ka bad baaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---