Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad qalin-jebin ah ay qabatay Jaamacadda Green Hope (Sawirro)

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xarunta murtida Iyo wacyigelinta uga qeyb galay xaflad ay ku qalin bedelanayeen dufacada 12-aad ee Bachelor Degree Iyo dufcada 6-aad ee Master Degree, kuwaas oo ka qalin bedeshay jaamacadaha Green Hope University Iyo Kesmonds University.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xaflada khudbad ka jeediyay ayaa marka hore u hambalyeeyay ardayda qalin bedelenaysay, waxaana uuna ku amaanay dadaalkii Iyo dulqaadkii ay muujiyeen mudadii ay halganka waxbarashada ku jireen.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waalidiinta ardayda, macalimiinta iyo maamulka jaamacada ku amaanay juhdigii Iyo dadaalkii hagar la’aaneed ee ay ardayda geliyeen, waxa uuna ardayda qalin bedelatay kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan islamarkaana aqoontooda ugu adeegaan dadka Iyo dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay kor u qaadista Iyo tayaynta waxbarashada dalka ,si guud ahaan dalka loo gaarsiiyo.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa bahda waxbarashada kula dardaarmay in ay caawiyaan waalidiinta aanan awoodin waxbarashada caruurtooda, si ubadka Soomaaliyeed ay waxbarasho u helaan.

 

Related posts

Imaaradka oo ka Jawaabay Faro-gelin la sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade

Isra’il oo ku dhaw in Heshiis Nabadeed la gasho dowladii labaad oo Carab ah !!

Cabdi Cade

Daawo:-Kulankii Baarlamaanka iyo Buuqii ka dhacay intii uu Farmaajo hadlayay

admin
Taboola Ads ---