Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.
Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray.
Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka.
Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo?
Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.
Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?
Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara. Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo.
In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona.
Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa?
Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro.
W/Q Yuusuf Garaad Cumar ,Wasiirkii hore ee Arrimahada Dibadda Soomaaliya.