Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka NISA iyo siyaasiyiin la socda oo gaaray degmo katirsan gobolka Hiiraan (Sawirro)

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Wafdigan gaaray degmada Maxaas waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka demada, saraakiil ciidan iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Maxaas.

Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Related posts

Magaalo Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marin caalami ah (Maxay ku muteysatay)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ka hadlay Digniintii NISA fariina u diray Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq degdeg ah kasoo saaray Dagaal ka socda deegaano…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---