Allbanaadir.com
NEWS

Dad sannado kahor dadkooda dhinteen oo mar kale Murugo hor leh dareemay

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood, gaar ahaan kuwa ehelkooda ku aasnaayeen qabuuraha iskuul Buluusiya ayaa mar kale dareemay murugo iyo xanuun , kaddib markii meydadka ehelkooda oo sannado kahor geeriyooday lasoo baxeen.

Dad badan oo waxaa la arkayay ilmada ka socoto xilli ay meydadka ehelkooda qabuuraha mar kale kasoo saarayay, kuwaa oo dib u gucanayay murugada xubnaha qoyskooda kamid ahaa oo mar hore geeriyooday.

Dadkan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aad uga xumaadeen falkan dowladda ku amartay in meydadka looga saaro iskuul buluusiya, waxa ayna sheegeen in xanuunka geerida dadkooda mar kale dib u dareemeen.

Meydadkii laga soo saaray qabuuraha Iskool Buluusiya ayaa mar kale lagu aasay qabuuro kale oo kuyaalla Muqdisho, waxa ayna dadka lacago badan ku bixinayeen soo saarista meydadka ehelkooda iyo dib u duugista.

Dowladda Soomaaliya ayaana muddo toban maalin ah u qabatay dadka ehelkooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskuul Buluusiya in ay uula baxaan, waxa ayna dowladda sheegtay in dhulkaasi iyadu leedahay un abaahan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fatuma Issaq oo ka shaqeysay in Haweenka Muslimiinta ee ku jira Milatariga K/Afrika loo ogolaado Xijaab

Cabdi Cade

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Magacaabis uu sameeyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo laga hor yimid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---