Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo dalbatay deeq dhan $230 milyan (Maxaa lagu qabanayaa?)

Munaasabad ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay warbixinta cilmi-baaris lagu sameeyey saameynti tabneed ee ka dhalatay fatahaadihii Deyrta ee 2023-kii oo ay iska-kashadeen khubaro ka socota Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada beesha caalamka, taas oo laga soo aruuriyay gobollada dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin heer Federaal, iyo heer Dowlad gobolleed, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, iyo marti-sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay baaxadda dhibaatadii ka dhalatay cimiladii El-nino, iyadoo warbixintu xustay in fatahaaduhu wax-yeelleeyeen 2.5 milyan oo qof, kuwaas oo 1.2 ka mid ah barakaceen, halka la diiwaan galiyay dhimashada 188 qof. Waxaa xaaladda uga sii daray in dadkaan nugul ay hore u saameeyeen abaarihii 2022 & 2023.

Sida ku cad warbixinta la soo bandhigay, fatahaadihii Deyrta ayaa sidoo kale sababay khasaare dhaqaale oo ka badan $176 milyan oo isugu jira waxyeellada dalagga beeraha, xoolaha, ceelasha biyaha, dhismaha goobaha wax-barashada, caafimaadka iyo fayadhowrada bulshada, taas oo qasab ka dhigtay in wadajir loogu istaago dib u dhiska kaabayaasha muhiimka u ah bulshada ee burburay.

Soo bandhigidda qiimeynta kadib, Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu muujiyay in loo baahan yahay lacag dhan 230 milyan oo doolar, si maalgalin loogu helo dadaallada ka soo kabashada saameyntii El-nino iyo dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka kala geddisan ee dalkeenna ku soo laalaabtay.

Related posts

Weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday tuulada Indha Kayd iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Shiinaha oo beeniyey Warar la isla dhexmarayey oo la xiriira cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Fanaanad la xiray kaddib markii ay wax ka sheegtay Dugsiyo uu Erdogan wax kusoo bartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---