Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya deg. Badhaadhe & Warar sheegaya..

Ciidamada Dowlada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose u jira wax ka yar 28-KM

.Xogaha aynu ka helayno dadka ku dhaqan degmada Badhaadhe ayaa sheegaya in al shabaab gabi ahaanba ay isaga baxeen degmada Badhaadhe kadib markii ay ka war heleen duulaanka kaga soo wajahan ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale wali howlgal ka wada tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhanka koonfureed ka xiga deegaanka Buulo-Xaaji ee hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.

Ciidamada ayaa tagay dhulka howdka ah oo ay gabaad ka dhigan jireen saraakiisha Al shabaab balse maalmo ka hor isaga hayaamay, kuwaasoo sida xogaha ay sheegayaan aaday deegaano kale oo ka fog aagga howlgalku uu kasocdo.

Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland, Daraawiishta iyo Kumaandooska Danab ayaa dadka rayidka ah ee ay kula kulmeen tuulooyinka ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada islamarkaana qeyb ka noqdaan halganka lagu xoreenayo guud ahaan Jubbaland.

Related posts

Maxkamad la soo taagay nin ku eedeysan Daacish iyo inuu dilal geystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Xildhibaannada Aqalka Sare kahor aqriay Hindide Sharciyeed uu rabo in la meel mariyo

Cabdi Cade

Paul Simkin iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade