Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad la soo taagayo dad baraha bulshada ka waday kicin bulsho & anshax xumo

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale.

Xafiiska xeer-Ilaaliyha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Xafiisku waxa uu maxkamadda gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.

Hadaba xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada.

Related posts

Shacabka ku dhaqan Maamulka Hir-Shabeelle oo dhibane u noqoday Xoogaga Alshabaab !!

admin

Xog: Maxaad kala socotaa ciidamada uu Madaxweyne Farmaajo isku haleynayo?

Caydiid Ali

Dowlada oo ka hadashay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---