Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo joojisay qandaraasyo Malaayiin Dollar ku kacaya oo uu bixiyey Wasiir hore

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa shaacisay inay joojisay Qandaraasyo Malaayiin Doolar ku baxeyso oo uu saxiixay wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Qandaraasyadan loo diray baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la gaarsiiyey Hanti-dhowrka, lamana magacaabin wasiirkii hore ee Amniga oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamed.

“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri qoraalka NISA

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhalato dembi la xiriira dhinaca musuqa oo lala xiriirnayo Wasiirkii ee Amniga oo hadda ka mida mucaaradka ugu afka dheer ee ku kacsan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxay tahay xarunta casriga ah ee uu xariga ka jaray RW Ku-Xigeenka?

Caydiid Ali

Maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Rafah iyo Xamaas oo ka hadashay

Cabdi Cade

Maraykanka oo shaaciyey hal arrin oo ay Iskaashi kala sameyn karaan Maamulka Taliban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---