Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka lugta oo gaaray degmada Ceeldheer oo Al Shabaab weerareen

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil la socota ayaa maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo kahor weerar culus ku qaadeen kooxda Al Shabaab.

Taliyaha oo Kormeeray saldhigyadii ee kooxda Al Shabaab weerarka kusoo qaadeen , waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidanka uu ku amaanay sidii ay isaga difaaceen weerarkii Al Shabaab .

Jeneraal Dayax Cabdi ayaana sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay jilbaha u aasteen weerarkii Al Shabaab , waxa uuna xusay in kooxdaasi weerarka lagu jabiyay laguna gaarsiiyay khasaaro xooggan.

Al Shabaab ayaa maalmo kahor weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa ayna Al Shabaab weerarkaasi ku dileen saraakiil ciidan iyo askar badan , waxa ay sidoo kale ku gubeen gaadiid dagaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhulgariir laga dareemay Magaalooyin ku yaalla Koonfurta dalka Britain (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Saldhig Milatari ka dhax raadinayay Donald Trumo oo la xiray laguna helay dambi

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarkii Al-Shabaab ka fulisay Kenya (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---