Allbanaadir.com
NEWS

Abuu Mansuur oo sheegay in Xajka aan Dalxiis loo aaday kana hadlay cabasho soo yeertay

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo warbaahinta hadlay ayaa ka jawaabay cabasho kasoo yeertay qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee la geeyay magaalada Makka.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan nasiibka u yeelatay in ay soo xajiyaan ayaa ka cawday adeeg xumo, waxa ayna sheegeen in aan la dejin hoteelo fiican ayna la kulmayaan dhibaatooyin ay ku jiraan kuleel daran oo jira.

Abuu Mansuur oo ka jawaabayay cabashada kasoo yeerta xujeyda qaarkood ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin, waxa uuna xusay in ay jiraan dad uu tilmaamay oo doonaya in ay xajka fashiliyaan, isaga oon in taa raaciyay in aan xajka dalxiis iyo baashaal loo aadin.

“Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam. Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan” ayuu yiri Abuu Mansuur Roobow.

Wasiirka ayaana kula dardaarmay guddiga adeegga xajka iyo shirkadaha xujeyda u adeegayaan in sida ugu wannaagsan ugu adeegaan xujeyuda Soomaaliyeed, ayna ilaah uga baqaan adeegga ay dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah u hayaan.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sannad kasta ka cawda in aan loo qaban adeegyo fiican oo markii hore loo ballanqaady, waxa ayna dowladda dhankeeda mar kasta sheegataa in  sida ugu wannaagsan loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo qabsatay goobo ay dalka Afghanistan ka joogeen xoogaga Daacish

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Saney Cabdulle oo lagu wareejiyay saldhigyo ay ka baxeen Ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---