Allbanaadir.com
NEWS

Ahmadinejad oo laga reebay liiska Musharaxiinta Madaxweynaha cusub ee Iran

Doorashada Madaxweynaha Iran ee la qorsheeyay inay dhacdo 28 bishan June, ayaa la soo saaray musharrixiinta u tartamaya, iyadoo illaa 80 musharrax ay codsadeen inay u tartamaan xilkaas, kaddib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii xilka hayay, Raisi.

Balse waxaa loo ansixiyay inay doorashada u tartami karaan lix musharrax oo ay magacyadooda soo bandhigeen Golaha ilaalada oo  ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaano ah, kuwaasoo kala bar ay soo doorteen baarlamaanka, kala barna uu magacaabay Khamenei.

Waxay go’aamiyan musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya, kuwaaso kaliya soo magacaaba xubnaha daacada u ah Khamenei.

6da musharrax ee doorashada ka qaybgalaya ayaa kal ah:-

  • Siciid Jalili
  • Mohamed Bagher Ghalibaf
  • Alireza Zakani
  • Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi
  • Mostafa Pourmohammadi
  • Masoud Pezeshkian.

Musharixiinta kale ee laga reebay doorashada, waxaa ku jira Madaxweynihii hore Mohamud Ahmadinejad.

Siciid Jaliili iyo Ghalibaf ayaa ah 2-da musharax ee ugu cad cad inuu midkood ku guulaysto ​​doorashada.

Ghalibaf waa 62 jir ah, horey wuxuu usoo noqday  taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka Baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska. Waxa uu u tartamay madaxweyne sannadihii 2005, 2013 iyo 2017, illaa  uu u tanaasulay Raisi.

Musharraxa kale Siciid Jalili, wuxuu ahaa madaxii hore ee wada-xaajoodka Iran ee nukliyeerka, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow  Khamenei, wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii doorashada hore isaga haray, isagoo u ololeeyay Raisi.

 

Related posts

Dagaalka Qarniga Qarsoon ee dhinaca Internetka la isku adeegsanayo !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo ku dhintay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xero Nacnac iyo askar badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---