Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “In dalka laga saaro ciidanka Itoobiya & Kenya Waxay horseedeysaa..”

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxey mar hore ka dalbadeen hogaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka looga saaro ciidamada Itoobiya, kadib markii bisha Janaayo 2024 ay dowladda Itobiya ku dhawaaqday heshiis xadgudub ku ah midnimada iyo wadajirka madaxbanaanida qaranimada Soomaaliya, waxeyna ahayd dalabkaas dadweynaha in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, iyadoon lala sugin tilaabooyinka diblomaasiyadeed ee la qaadayo, kuwaas oo mar kasto ay ku gadaaman yihiin fulinteeda arrimo diblomasiyadeed oo salka ku haysa xiriirka caalamka ay la leedahay Soomaaliya, balse aan la sahlan in la hilmaamo riyada Itobiya ay weligeed ku dooneysey hanashada gobolada waqooyi, taas oo xataa ahayd mid Ingriisku uga digey 1950 Wafdii uu hogaaminayey Md Maxamed Ibrahim Cigaal (AUN).

Dowladda Itobiya waxey hadda ka taagdaran tahay Soomaaliya marka la fiiriyo xasaradaha dagaal ee ka dhexjira gudaheeda, waxeyna markasta xalkeeda ka raadineysey Soomaaliya oo ay dooneysey in dhibaatada ka dhexjirta gudaheeda ay indhaha shacabka Itobiya ay u jeediso dhanka Soomaaliya, waxeyna taasi noqotay mid u suurtobi weysey iney hirgeliso himiladaas fog oo ay markasta Itobiya ku hamineysey, waxaana ku dhacday guuldaro ay waxyeelo badan kala kulantay diblomasiyadda Soomaaliya, taas oo banaanka keentay wejiga qarsoonaa ee cadawtinimada Itobiya oo qorshaheeda istratejiyadeed uu mar kasta ahaa iney ama xeelad ama xoog mida ay noqotaba iney burburiso qaranimada Soomaaliya oo ay dhulka Somaliland ay ku darsato dalkeeda, iyadoo rumeyneyd in caalamku ay indhaha ka qarsanayaan dhul boobkeeda .

Waxaa la yiri haddii aad doofar la dagaalantid, wuxuu jecelyahay wasaqda inuu kugula dhex dagaalo, wuxuuna dagaalka aad la gashay uu kuu geynayaa inuu ku wasaqeeyo oo uu hoos kuugu soo dejiyo heerka ugu hooseeya oo ay joogto wasaqdiisu, waxaana sidoo kale taas la mida oo la yiri haddii aad qowsaar geysid meel uusan astaahilin, wuxuu adiga ku geynayaa meel hoose oo aadan astaahilin oo abaalka aad u gashay aan mudneyn, waxeyna tilmaamahaas tusaale u yihiin qaladaadka ka dhashay digniino horay loogu diray madaxda dowladda Soomaaliya oo looga la taliyey iney tilaabo istratejiyadeed ay ka qaadato Itobiya ineysan Soomaaliya kula dagaalamin gudaheeda, iyadoo adeegsaneysa madaxda maamul goboleedyada oo danahooda wasaqeysan ka dhex arka qilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itobiya.

Shacabka Soomaaliyeed waxey fahamsan yihiin in madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay xoog iyo xeeladba ku rabaan iney ku raadiyaan sidii ay weligood xukunka maamuladooda ay heysan lahaayeen, iyagoon marna tartan xaqa oo xor ah aan lagula gelin xilalkooda, waxeyna wax kasta oo hamigooda u suurtogelinaya ay diyaar ula yihiin iney u sameynayaan wax kasta oo ay ka rabaan maamulkooda, waxeyna rumeysan yihiin in joogitaanka ciidamada Itobiya ay uga gaashaamanayaan cadaadiska uga imaan kara dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna sidoo kale ay aaminsan yihiin in jiritaanka Alshabaab ay xijaab uga tahay in dowladda Soomaaliya ay dagaalkeeda uga mashquusho, taasina waa sababta aysan marnaba aysan raali uga ahayn dagaal dhaba oo lala galo Alshabaab oo jiritaanka halisteeda lagu soo afjaro si deg dega.

Wadamada deriska dhamaantood waxey guul u arkaan inuusan weligiis dhamaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Alshabaab, waxeyna cabsi weyn ka qabaan in khilaafka dhuleed oo kala dhexeeya Soomaaliya uu soo xoogeysto haddii dowladnimada Soomaaliya ay awoodeedu soo xoogeysato, balse weliba waxey rahmad ahaan u rabaan iney Soomaaliya ka qabsadaan dhulal kale oo hor leh oo ay mustaqbalka kula gorgortamaan Soomaaliya si ay uga tanaasusho sheegashada dhulalkii horay uga maqanaa xiligii gumeystaha, taas oo ah xeelad ay isticmaashay dowladda Yuhuda oo ay u adeegsatey wadamada Carabta oo deriska la ah, sidaas si la mida waxaa qaba wadamada aan nahay deris xigeenka oo ah wadamada Khaliijka Carabta oo ah boqortooyooyin aan rabin dadkooda iney ka hoos baxaan xukunkooda kalitalisnimada ku dhisan, waxaana sidoo kale la qaba fikirkaas inta badan wadamada caalamka kuwooda ku daneeysta Soomaaliya iyo weliba hayadaha caalamka oo dantooda ka dhex arka in Soomaaliya ay ku sii jirto dhibaatada, iyaguna ay ka macaashaan adeegyada ay caalamka magaca Soomaaliya ugu yaboohsi tegayaan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ah halista ugu weyn oo hadda u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan khatartooda wax looga qabto inta aysan fidnadoodu soo gaarin in loo adeegsado iney dumiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana tilaabada kowaad ay mudan tahay in laga qaado in dadweynaha degen maamul goboleedyada loo ogolaado iney soo doortaan madaxdooda oo meelaha ay joogaan ciidamada Itobiya bedelkooda la geeyo ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn wadamada safka hore ee deriska la ah Soomaaliya, waxeyna tilaabadaas ay dhiirogelineysaa dadka wadaniyiinta ah oo ka niyad jabsan ficilada madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo danaha Itobiya iyo Kenya ku xiran, kuwaas oo fashilinaya tilaabo kasta oo lagu hormarinayo siyaasadaha maamul goboleedyadooda, wax kastana ka door bidaya iney gabaad ka dhigtaan wadamadaas faragelinta ku haya arrimaha gudaha Soomaaliya.

In kastoo dhamaan joogitaanka ciidamada shisheeye aysan Soomaaliya waxtar weyn u lahayn, haddana ciidamada Kenya iyo kuwa Itobiya oo dalka laga saaro waxey horseedeysaa neecaw xoriyadeed oo ay helaan shacabka ku nool maamul goboleedyada ay xoogga ku dul joogeen, kuwaas oo dib u helayaa xuquuqdii iyo xoriyadihii uga maqnaa madaxda maamul goboleedyada ay xukunka qasabka ah ay ugu dul hayeen, waxeyna dadweynuhu ay helayaan fursado ay si xora ugu doortaan madaxda maamuleysa masiirkooda siyaasadeed, waxeyna tilaabadaas ay sidoo kale libin gaara u siineysaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya oo dalka ka sifeeyey ciidamo cadow ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliya oo hawlgalo cadowtinimo ka dhex wadey maamulada Soomaaliya, iyagoo dabar goynayey xoogga isku haya midnimada iyo wadajirka dadka, dalka, iyo xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya kala dhexeeysa wadamada caalamka oo hadda uu sii xoogeysanayo iskaashigooda, wadashaqeyntooda, iyo wax wada qabsigooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Related posts

Trump oo fasaxay in Hub balaayiin Dollar jooga laga iibiyo Sacuudiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne si aad xaqiiqda usoo ogaato sababahan bal soo baar !

Cabdi Cade

Gaari sahay kala duwan u waday Al-Shabaab oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---