Sabtidii ayaa ahayd maalintii ugu dhimashada badnayd ee Gaza tan iyo bartamihii Disembar, iyadoo 283 qof lagu dilay maalintaas oo kaliya halka boqolaal kale ay dhaawacmeen sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. Taasi waxay tirada guud ee ku dhimatay dagaalka hadda ka socda Qaza ka dhigaysa 37,084.
Inta badan dadkii Sabtidii la dilay ayaa dhintay markii ciidamada difaaca Israa’iil ay qaadeen hawlgal lama filaan ah oo ay ku soo furteen afar qof oo Israa’iili ah oo lagu haystay magaalada Nuseirat ee bartamaha Qaza.
Weerarkan ayaa sababay in 283 falastiiniyiin ah lagu dilo 698 kalena lagu dhaawacay, Israel ayaa sheegtay tirooyinkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo laga badbadiyey, iyagoo sheegay inay ku qiyaaseen tirada dadka ku dhintay howlgalka illaa 100 qof
Wasaaradda caafimaadka Gaza ma kala saarin khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada Xamaas.
Dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay “Jahannamo” dhulka bartamaha Gaza intii uu socday howlgalka Israel, waxaana muuqaalo laga baahiyey CNN ay muujinayaan dad ay ku jiraan caruur dhiig leh oo ku yaacaya qolalka gargaarka degdegga ah ka dib weerarka oo loo adeegsaday awood milateri oo xad dhaaf ah
Sagaal qof oo dheeri ah ayaa lagu dilay 116 kalena waa lagu dhaawacay meel kale Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay.
Waxay ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd ee Gaza tan iyo 10-kii Diseembar, markaasoo ku dhawaad ​​300 oo qof lagu dilay, sida laga soo xigtay diiwaannada Wasaaradda Caafimaadka.
Maamulka Mareykanka oo gacan ka siinayay xog uruurinta howlgalka, ayaa Axaddii qirtay in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkaas.
“Dad aan waxba galabsan ayaa si naxdin leh loogu dilay howlgalkan,” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Mareykanka, Jake Sullivan, isagoo intaa ku daray in tirada saxda ah aysan garanayn.
Isaga oo ka jawaabaya sheegashada Xamaas ee ah in la haystayaal kale lagu dilay hawlgalka Sullivan waxa uu yidhi, “Maanu arag wax la xaqiijiyey ama Waxaan rumaysanahay in Israa’iiliyiintu ay sheegeen in aanay wax war ah ka haynin. Laakiin dabcan, taasi mar walba waa khatar.” ayuu yiri