Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia
“Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo ay ka wadahadleen is baddalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Shariif iyo Farmaajo oo ku kala sugan Muqdisho iyo Doha waa garab ka mid ah mucaaradka DF oo si weyn uga soo horjeeda qorshayaasha madaxweyne Xassan Shiikh ee wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo dhowaan mar kale loo soo magacaabay xafiiska UNSOM ee Somalia ayaan la ogeyn waxaa ay salka ku hayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu la bilaabay mucaraadka Xassan Shiikh qaarkood.