Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo safar ugu baxay dal kuyaalla Yurub iyo xog ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha Soomnaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo ee caasimadda Norwey, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi iyo masuuliyiin kale.

Waxa uuna Madaxweynaha kala hadli doonaa madaxda dalka Norwey sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal u dhaxeeya iyo sidii dowladda Norwey u kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024, shirkaas oo ay kasoo qeyb gali doonaan madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wasiirka amniga oo su’aalo adag lagu weydiiyey shir ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Dabley la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza (Daawo Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---