Allbanaadir.com
NEWS

Q/Midoobay oo Milateriga Israel ku dartay liis madow & Netahyahu oo ka carooday

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qaramada Midoobay kadib markii Qaramada Midoobay ay militariga dalkaas ku dartay liiska dalalkaxadgudubyada u geysta carruurta, sida Xamaas.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Israa’iil ayaa warkan faafiyay toddobaad ka hor inta aan liiska golaha la horgeyn, Golaha Ammaanka isagoo soo bandhigay muuqaal taleefoon oo uu soo diray sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay mid khiyaali ah. Laakiin afhayeenka xoghayaha guud ayaa sheegay in habka ay ku timid warbixinta uu ahaa mid si wanaagsan loo dhisay oo hufan.

Xadgudubyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid yihiin weerraro lagu qaaday iskuulada iyo isbitaalada iyo is hor taaga gargaarka.

Milateriga Israel ayaa 8 bilood oo uu socday dagaalka Gaza dilay in ka badan 35 kun oo qof kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween iyo caruur aan waxba galabsan.

Related posts

Ciidamada Dowladda oo qarxiyay maanta qaraxyo Al Shabaab ka qabteen (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay in aysan aqoonsaneyn ururka FSU Digniin adagna u dirtay

Cabdi Cade

Hoggaanka Ahlu Sunna oo Dalab Xasaasi ah u gudbisay Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---