Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor oo Guddi Wasiiro ah u Magacaabay xalinta dagaalka Xeraale & Cabudwaq

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dhimashadii ugu badneyd iyo dhaawac tiro beel ah ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay dagaalkaas shalay ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wararkii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in dhaawacu ka badan yahay 60 ruux, halka dhimashadu kor u dhaaftey konton qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo xubno ka tirsan Ciidamada amaanka Galmudug oo ku howlanaa in ay Kala dhex galaan dhinacyada.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Cadaado, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo aad u badan isbitaaladooda la jiifiyay, kuwo hor lehna ay saacad walba soo gaarayaan. taasina keeneyso in aysan tiradu wali xaddidneyn.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA

Related posts

Dowlada Imaaraadka oo balan qaadyo Muhiim ah u sameesay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo kulan looga hadlayo ajendayaal xasaasi ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) Dab qabsaday Suuqa Laascaanood iyo Boolis goobta gaaray oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---