Allbanaadir.com
NEWS

Sidee ku dhacday in Israel ay 8 bilood ka dib Gaza ka soo furato afar Maxbuus?

Siddeed bilood kaddib in maanta la soo wariyay soo furashada 4 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah qof walba waxay ku ahayd wax la yaab leh, sababtoo ah muddada dagaalka ma dhicin natiijo heerkan ah inay Israa’iil ka hesho gudaha Qasa, waa run tani waxay neef-siinaysa Netanyahu oo xataa waxay caqabad ku noqonaysa wada-xaajoodyada socda. Dabaal-degga maxaabiista la sii daayay ayaa sidoo kale u noqonaysa Netanyahu kaar uu u adeegsado inuu ku dejiyo khilaafka ka jira xukuumadiisa oo qarka u saaran inay burburto, sababo la xiriira xubno ka mid ah wasiirrada dagaalka oo doonaya inay is casilaan, iyagoo sheegaya inaysan jirin qorshe shaqeynaya oo lagu soo celin karo maxaabiista oo u diyaarsan Netanyahu.

72 saac ee u dambeysay, waxaa shaqeyn waayay iskuday kasta oo cadaadis oo dhex-dhexaadiyayaasha ay saareen Xamaas, si ay u qaataan heshiiska uu soo jeediyay Biden, balse waxay ku adkaysteen kaliya inay oggalaan doonaan heshiis bixinaya dammaanad dagaalka lagu soo afjarayo, iyadoo xataa Biden uu telefishinnada ka sheegay inuu Qatar iyo Masar ku wargeliyay hannaan kasta inay u adeegsadaan Xamaas , haddana dhammaan cadaadisyada ma noqon kuwa shaqeeyay. Tan waxaa ka dhashay in loo bareero khatarta ka dhalan kartay howlgalka maanta , sida ay soo bandhigay warbaahinta Israa’iil oo ku warrantay marka la waayay wax natiijo dhow oo heshiis ah , in la go’aamiyay howlgalkan. Ka warran haddii uu maxbuus dhiman lahaa? Tani waxay noqon lahayd dhul-gariir meesha ka saara Netanyahu , laakin sida dhacday wax walba sirdoonka sax ah iyo hab muddo socday ayaa suragelinaysay inay lumiyaan Xamaas 4 maxbuus.

Run ahaantii looma qaadan karo, tani inay tahay guul istiraatiji ah oo dagaalka ay ka gaartay Israa’iil, sababto ah muddada uu dagaalka socday oo ku dhow 9 bilood inay dhul kooban ku adkaatay hal maxbuus inay soo furtaan ciidanka ugu sarreeyay bariga dhexe oo taageerra ka helaya quwadaha reer galbeedka, aragtida militari ahaan looma arkayo guul weyn, maxaa yeelay in ka badan boqol qof oo kale ayaa maqan, laakin waxay natiijo dhinac walba ah u tahay Netanyahu oo helaya hab uu ku xalliyo khilaafka gudaha , kuna sii dheereeyo dagaalka.

Inta uu socday howlgalka maanta oo la sheegay in la diyaarinayay muddo toddobaadyo ah , waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah , tani waxay ahayd ciqaab dhab ahaantii oo ciidanka Israa’iil ugu yaraan waxay lahaayeen fursad ay hoos ugu dhigaan khasaaraha oo dadka ugu badan ee uu gaaray ay ahaayeen carruur iyo haween.

Warbixinnada u horreya ee howlgalka waxay muujinayaan inuu ku bilowday xog laga helay diyaaradaha basaaska oo loo badinayo kuwa Ingiriiska si loo gaaro goobta maxaabiista ee xerada Nuseyrat oo ku taalla bartamaha Qasa, wuxuu ku dhacay warbixinta sirdoonka ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Israa’iil. Run ahaantii lama sheegi karo haddii uu jiray khalad ay sameeyeen Qasaam, tusaale habka wareejinta maxaabiista oo laga war helay, waayo goob kasta oo gudaha ay usoo galaan ciidanka Israa’iil, waxaa ka dhacda kala wareejin maxaabiista – si looga fogaado goobaha dagaalka uu ku xoogaysanayo ama ay soo galayaan ciidanka Israa’iil marka laga hadlayo waqooyiga Qasa , sida laga arkay warbixinnada sirdoon, tani ma loo qaadan kara halka uu tixraaca ka yimid iyo in muddo lagu daba-jiray dhaqdhaqaaqa maxaabiistan? Ma jirto cid hadda caddeysay, laakin howlgalka maanta dhacay wuxuu ahaa sirdoon sax ah oo lagu aadiyay xilliga uu dhacayay kala wareejinta maxaabiista, iyadoo afarta maxbuusba ay joogeen labo goobood oo isku dhow Waxa inooga baahan inan sugno ayaa ah waxa ay iska caabinta ka soo bandhigaan howlgalkan, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay soo kabsadeen oo inta uu socday howlgalka soo furashada maxaabiista inay jirtay khasaaro weyn oo gaaray ciidan Israa’iil oo ay soo bandhigi karaan!

 

Related posts

Mareykanka oo dacwad ku soo oogay Senator loo heysto dil loo geystay Madaxweyne

Caydiid Ali

Saraakiil lagu dilay dagaalka Dhuusaareeb iyo Maxaabiis dhaawacyo qaba oo..

Caydiid Ali

Puntland oo Duq magaalo u magacawday Magaalo ay maamusho Somaliland (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---