Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada G/Banaadir oo xukun ku riday Masuuliyiin loo xiray Musuqmaasuq

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa soo gebagabeysay dacwad la xiriirtay musuqmaasuq oo loo heystay 9 eedeysane oo ka tirsanaa howlwadeenada dhinaca cabnshuuraha ee dowlada Somalia.

Xubnahan ayaa waxaa ku jira Madaxdii Kastamka Canshuuraha ee dekada Muqdisho oo la xiray 18kii Bishii Agoosto ee sanadkan, iyadoo 29-kii Bishii Setemper la soo taagay Maxkamad dacwadooda lagu dhegeystay, taasoo ugu dambeyn maanta go’aan ka gaartay kiiska dacwadooda.

Waxaa Mas’uuliyiintaan lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti dowladeed gaar ahaan Waaxda Canshuraha dekada Muqdisho, waxaana ka mid ah Maamulaha  Furdada Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey.

Axmed Samow iyo howlwadeenada kale ee la shaqeynayay ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah, halka labo kale ay Maxkamadda sii deysay, taasoo mid ka mid ah ay aheyd haweeney ku-xigeen ka aheyd Waaxda Canshuuraha Dekeda Muqdisho.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min saddex sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay agaasime waaxeedkii Wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka Daahir Maamed Nuur iyo nin lagu magacaabo Mohamed Cumar oo ka tirsanaa howlwadeenada Wasaaradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Xawaaraha dhima! Talo Muhiim ah oo ku socota Xildhibaanada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Isbitaal Martiini (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Nabad sugida oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Dabley hubeesan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---