Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal ka tirsan Al shabaab iyo ilaaladisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Wasiirka Wasaaradda Amiga maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur galbeed ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa al shabaab iyo ilaalo uu watay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen degmada Ufurow ee gobolka Bay lagu dilay sarkaalka iyo ilaalo uu watay oo gaaraya 5 xubnood.

Ciidanka oo haystay xogta kooxdan ayaa ka soo baxay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, halkaasoo saldhiyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed sida wasiirku sheegay.

“Howlagalkaasi Ciidanka mid qorshaysan ayuu ahaa degmada Qansax dheere ayayna kasoo bexeen waxayna degmada Ufurow ku dileen sarkaal iyo malleeshiyaadkiisa” ayuu yiri wasiirka amniga KG oo aan sheegin magaca sarkaalka la dilay iyo waxa uu al shabaab u qaabilsanaa.

 

Related posts

Wasiirad baaskiil ku tagtay isbitaalkii ay ku Umuli aheyd !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo War kulul ka soo saartay xasuuqii ka dhacay Tuulada Gololey

Caydiid Ali

Labada aqal ee Baarlaamanka Somalia oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---