Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat, ee ku taalla bartamaha Qasa , inay ku soo furteen 4 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah iyagoo nool.
La heystayaasha la soo furtay ayaa ka kooban saddex nin iyo haweeney sida ay sheegeen ciidamada Yuhuuda.
Noa Argamani, 26, Almog Meir Jan, 22, Andrei Kozlov, 27, iyo Shlomi Ziv, 41, ayaa lagusoo furtay ” hawlgal adag oo halis ah” oo ka dhacay laba dhismo oo kala duwan oo ku yaala aagga Nuseirat, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israel.
Waxaa loo gudbiyay baaritaan caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka Israa’iil ee ay baahisay Al-jazeera.
Howlgalkan oo uu ku dhintay askari ka tirsan ciidanka Israel wuxuu noqonaya markii u horreysay oo Israa’iil ay sheegato inay gacanta Falastiiniyiinta ka soo furatay maxaabiis.
Ma jiro dhinaca Falastiiniyiinta wali war ka soo baxay oo howlgalkan looga hadlay, lamana sida ay israel ugu suuragashay iney soo furtaan la heysatayaal nool