Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo oo xiray nin lagu eedeeyay in dhaqanxumo ka waday baraha bulshada

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa maanta soo xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka waday waxyaabo dhaqanxumo ah oo kasoo horjeeda anshaxa iyo diinta islaamka.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada xireen Akram C/Salaan Cabdullahi 22 jir, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu baraha bulshada gaar ahaan Tiktok ka waday falal dhaqanxumo ah .

Booliiska gobolka Banaadir ayaana ka codsaday dadka ku dhaqan caasimadda in booliiska kusoo wargaliyaan dadka dhaqanxumada dadka ku dhax wada, si dadkaasi loo soo qabto loogana qaado tallaabooyinka ku haboon.

Ciidanka booliiska ayaa horey magaalada Muqdisho ugu xir xiray dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka wadeen kicin bulsho iyo sidoo kale falal dhaqanxumo ah, waxa ayna booliiska ku hanjabeen in ay soo qaban doonaan cid kasta wax gef ah ku kacda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka oo dib loo habeynayo

Caydiid Ali

Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Nuunoow Sanweyne Mursal oo labo Arrin ku eedeeyeen

Cabdi Cade

Sababtii uu u dhintay wiil isaga oo Hargeysa kubbad ku ciyaaraya oo la shaaciyay

Cabdi Cade