Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo War kasoo saartay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo ka socda Galgaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed oo deg deg ah kasoo saartay dagaal beelo walaalo ah ku dhex-maraya inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka labada beel ee dagaallamaya in dagaalka joojiyaan, iska markaana fursad siiyaan nabada iyo wadahadalka .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaana ugu baaqday waxgaradka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beelaha dagaallamaya in ay colaad ku baxaan kana shaqeeyaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Dagaalka u dhaxeeya beelaha kala dega degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa saakay ka qarxay deegaanno u dhaxeeya labada degmo, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururka Xisbullaah oo bur burisay Balloon nuuca wax basaasa ah oo sirdoonka Israel lahaayeen

Cabdi Cade

Siyaasiyiin badan oo raadinaya xilka Ra’isul Wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo go’aan laga sugayo

Cabdi Cade

War-murtiyeed 11 qodob ka kooban oo laga soo saaray shirka nabadeynta Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---