Allbanaadir.com
NEWS

Bulshada gobolka Banaadir oo abaalmariyay Maalgaliye Ganacsade Caanaboore (Sawirro)

Waxaa shalay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu dhiirogalinayay ganacsade ahna maalgaliye Cabduqaadir Maxamed Maxamuud (Caanaboore), lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen bulshada gobolka Banaadir ayaa aheyd mid lagu abaalmarinayay ganacsade Caanaboore oo maalgalin muuqata ku sameeyay dalkiisa iyo deegaankiisa, taa oo si weyn ugu riyaaqeen bulshada gobolka Banaadir kunool.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Cabduqaadir Caanaboore ayaa degmada Dayniile ka hirgaliyay xarun weyn oo dalxiis , halkaas oo noqotay meel bulshada isugu tagto maalin kasta kuna qaataan nasiino iyo jawi macaan.

Xarunta dalxiiska ee Muqdisho Touris Village ayuu maalgaliye Cabduqaadir Caanaboore ka hirgaliyay magaalada Muqdisho, goobtan ayaana ah goob si weyn loo qurxiyay oo ay ku yaallaan dhir aad u qurux badan oo goobo kale oo dalxiis.

Bulshada gobolka Banaadir ayaana ku abaalmarisay ganacsade Caanaboore sida uu bulshada gobolka ugu shaqeeyay iyo sidoo kale maalgelinta dalka, dhireynta iyo dhowrista deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay arrin muhiim u ah dalkeenna

Cabdi Cade

Akhriso: Magacyada tobanka arday ee ugu sareeya Imitixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Yaa amray Magacaabida guddiga qaban-qaabada Xuska maalmaha Xoriyadda?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---