Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhiig badan ku daatay oo ka socda Deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa tan iyo saakay waabarigii ka socda deegaan lagu magacaabo Laandheer oo u dhexeeya labada degmo.

Maleeshiyaadka dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ahaa mid saacadbo saacada kasii dambeysa sii xoogeesanayay ayna isku soo gurmanayeen dhinacyada dagaallamaya.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka saacadaha badan ka socda deegaanka u dhaxeeya Xeraale iyo Caabdudwaaq, dadka ku dhaawacmay dagaalka iyo kuwa ku dhintay ayaa la geeyay isbitaaladav labada degmo iyo goobo kale.

Ciidamo katirsan booliiska Galmudug oo ka kala baxay Caabuwaaq iyo Xeraale ayaa ku guul dareestay in dagaalka qaboojiyaan, waxaana lasoo warinayaa in dagaalka ay ku dhinteen askar uu ku jiro taliye kuxigeenkii saldhigga booliiska degmada Caabudwaaq .

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dagaalka dhiigga badan ku daadanayo ee saakay ka socda deegaanno maamulkaasi katirsan, labada beel ee dagaalka u dhaxeeyo ayaana marar badan sidaan oo kale horey ugu dhax maray dagaallo rag badan kudhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaafiic Khasaaro geestay oo goordhaw lagu garaacay Xaafado kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Jabuuti oo ka ka hor timid hadal ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali

Eng. Yariisow oo Qaswadeyaal ku sifeeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali