Maxaa dhacay markii David Cameron uu soo wacay qof isaga dhigay Madaxweyne hore ?

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa dhibane u noqday ka dib markii qaab video ama maqal iyo muuqaal ah uu ku soo wacay qof isaga dhigaya madaxweynihii hore ee Ukraine Petro Poroshenko, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Farriimo badan oo qoraal ah ayaa sidoo kale ay is dhaafsadeen ninka iska dhigayay madaxwaynihii hore ee Ukrane islamarkana Cameron ayaa ka qoomameeyay khaladkii uu galay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska arrimaha dibadda.

“In kasta oo wicitaanka fiidiyowga uu si cad ugu muuqday inuu qofka soo wacay uu u ekaa Mr Poroshenko, ka dib wadahadalka xoghayaha arrimaha dibadda ayaa waxa marki dambe shakiyay Cameron ,” ayuu afhayeenku hadalkiisa raaciyay.

Qofka soo wacay ayaa sidoo kale codsaday faahfaahinta lambarada laga soo xiriiri karo madaxda kale, markaasi oo Mr Cameron uu shakiyay islamarkana uu joojiyay inuu ka jawaabo farimahaasi.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dhacdadan “kooban” ay dhacday “maalmihii u dambeeyay” balse ma uusan faahfaahin cidda ka dambeysay been abuurka iyo sida ay ugu suurtagashay inay si toos ah ula soo xiriiraan  Cameron.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay inay si cad u soo bandhigtay faahfaahinta wada sheekeysigan dhexmaray Mr Cameron iyo qofka iska dhigay madaxweynihii hore ee Ukraine Petro Poroshenko.

“Iyadoo uu ka qoomameynayo khaladkiisa, xoghayaha arrimaha dibadda wuxuu qabaa inay muhiim tahay in lagu dhawaaqo habdhaqankan oo la kordhiyo dadaalka looga hortagayo isticmaalka macluumaadka khaldan.”

Petro Poroshenko wuxuu ahaa madaxweynaha Ukraine ahaa intii u dhaxaysay 2014 iyo 2019.

“Waaxdu arrimaha dibadda ayaa arrintan baaritaan ku sameysay waxay-na xaqiijisay inaysan run ahayn oo fariimaha iyo wicitaanka muuqaalku ay ahaayeen been abuur.

Intii uu xilka ra’iisul wasaaraha ahaa, David Cameron wuxuu la yeeshay xiriiro badan hoggaamiyaha Ukraine, oo ay ku jiraan kulammo shirar caalami ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Lord Cameron uu ku dhaco dabinka wicitaano been abuur ah oo qofka wax soo wacay uu iska dhigayo qof uusan ahayn.

2015, xafiiskA looga arrimiyo UK ee Downing Street waxaa lagu qasbay in ay dib u eegis ku sameyso habraacyada amniga ka dib markii la soo wacay qof been abuur ah markii uu ahaa ra’iisul wasaaraha.

Xafiiska No 10 ayaa xilligaas sheegay in qofka soo wacay uu sheegtay inuu yahay Robert Hannigan, oo ahaa agaasimaha hay’adda daba-galka ee dawladda ee wakhtigaas.

Cameron ayaa jaray wicitaankaasi soo ka dib markii ay caddaatay inay been abuur tahay oo ay tahay in aan xog xasaasi ah la shaacin.

Siyaasiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay helay digniino isdaba joog ah oo ku saabsan khatarta sii kordheysa ee macluumaadka khaldan , gaar ahaan xilli ay si xawli ay u sii korayso tiknolajiyada loo yaqaano AI.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -