Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ka hadashay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al Shabaab ku qaaday Ceeldheer

Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugan yihiin degmada Ceeldheer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kooxda Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay aroortii hore ku qaadeen degmada Ceeldheer.

Al Cadaala ayaana sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, waxa uuna sheegay in hadda socdaan dhameestirka howlgalka ka dhanka ah kooxdii weerarka soo qaaday sida uu tilmaamay.

”Khawaarijta si adag ayaa loogu jabiyay Ceeldheer , alle ayaa mahadsan, Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha deegaanku waa mahadsanyihiin, dhamaystirka hawlgalka ayaa socda, ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Dhinaca kale warbaahinta dowladda war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay hayeen xogta kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa ayna xuseen in weerarkaasi Al Shabaab si weyn loogu jabiyay.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna sheegeen in halkaasi la wareegeen kuna dileen ciidan badan, sidoo kale ku qabsadeen hub kala duwan iyo saanad.

Sheegashada labada dhinac marka laga soo tago ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab saakay ku qaaday degmada Ceeldheer iyo waliba cida libinta dagaalka heshay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiye Kim Jong Un oo booqasho Taariikhi ah ku tagaya dal Yurub katirsan

Cabdi Cade

Qarax loo adeegsaday Gaari Ambalaas ah oo dad badan ku dilay Kabul (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Walaac dhanka amniga ah oo ka jira Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar & Warar kale

admin