Allbanaadir.com
NEWS

Shan qof oo Soomaali ah oo lagu helay dambi la xiriira kiis malaayiin dollar lagu xaday

Muwaadiniin asalkoodu Soomaali yahay, balse heesta dhalashada dalka Mareykanka, ayaa lagu helay in ay ku kaceen falal la xariira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin , kaddib markii ay lunsadeen lacago taageero ahaa xilligii Covid-19 jiray.

Guddi xeer-beegti ah ayaa Jimcihi shalay danbi ku helay shan qof oo ka mid ah ilaa 70 eedeysane oo Soomaali u badan, kuwaa oo loo heysto dacwado la xiriira musuq maasuq lagu sameeyay, barnaamij lagu quudiyo carruurta gobolka Minnesota ee  Mareykanka.

Dhageysiga kiiskan musuqmaasuqa ah oo muddo socday ayaana hadda lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay qaarkood shan qof oo kamid ahaa dadkii eedeysnaa, waxaana jira dad kale oo iyana kiiskan ku lug lahaa balse dambiyo lagu waayay.

Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Xeer-beegtida kiiskan ayaa sidoo kale danbi ku waayay Saciid Shaafici Faarax iyo Cabdiwahab Macallim Iftin oo ka mid ahaa 7 qof ee ugu horreysay ee ay kiisaskoodu maxkamadda federaalka ee Minnesota dhageysatay.

Waxaa la ogaaday in ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday gobolka Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

“Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri  xeer ilaaliye Thompson.

Dadkan dambiga lavu helay iyo kuwa kale ay wali ku socdaan dacwadaha ayaa la sheegay in si khaldan u isticmaaleen lacagihii deeqda ahaa ee loogu tala galay in cunto lagu siiyo carruurta da’da yar xilligii caroonaha, waxa ay sidoo kale dadkan soo dalaceen qaansheegad aan jirin, iyaga oo sidoo kale sameeyay shirkado been abuur ah.

Xubnahan Soomaalida ah ee lagu helay xatooyada lacagta tirada badan ee loogu tala galay caawinta carruur danyar ahaa ayaan xukunka xabsiga ay wajahayana wali lagu dhawaqain, waxaana la filayaa in xilli kale lagu dhawaaqo xukunka xabsiga ah ay muteesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo ku guuleestay Talaabooyin uu ku fashilmay Qoor Qoor

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay Dagaalka Hiiraan ?

Cabdi Cade

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo dhisanaya Caasimad cusub iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade