Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada Ceeldheer iyo dagaal culus …

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab oo aad u hubeysnaa, ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer, waxaana qaraxyada kaddib xigay weerar toos ah oo saldhigyada ku qaadeen dabley hubeysan.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay kooxda weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda ayaana halkaasi ka dhacay, waxaana jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar cagmarin ah sakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarka ku dileen askar badan sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wali ka hadlin weerarkan xooggan ee saakay lagu qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay .

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay hakad galeen howlgalladii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ee horey u socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Gudoomiyey shir looga hadlay lix qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Andrzej Duda oo laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus

Caydiid Ali

Joe Biden oo la hadlay Shacabka Mareykanka Balan qaadyo waa weyna sameeyay (Sawirro)

admin