Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo sheegtay in ay dhab noqotay riyadoodii aheyd in ay marin-badeed helaan

Dowladda Itoobiya ayaa dedaal kasta ku bixineysa sidii ay mar un u heli lahaayeen marin-badeed, waxa ayna qaadeen tallaabooyin qaarkood fashilmeen ay ku doonayaan in ay ku helaan qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis is-afgarad ah la galay Madaxweynaha Somaliland, heshiiskaasi ayeyna Itoobiya ku dooneysaa in ay ku hesho marin-badeed Soomaali leedahay, halka dhankooda aqoonsi u ballanqaadeen maamulka Somaliland.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Wershadaha ee dowladda Itoobiya Mr Tarekegn Bululta ayaa go’aan sax ah ku tilmaamay in dawladiisu aqoonsato maamulka Somaliland ayna dhankooda helaan marin-biyood.

Qoraal uu barta X ku leeyahay ku baahiyay wasiirul dawlaha Wershadaha Ethiopia Mr Tarekegn Bululta ayuu ku sheegay in riyadii Itoobiya ee ahayd  in mar u helaan marin-badeed ay hadda dhab noqotay.

Waxa uu sidoo kale wasiirkaan sheegay in go’aanka xukuumadad Adis Ababa ku aqoonsaneyso maamulka Somaliland uu yahay mid sax ah, waxa uuna bogaadiyay heshiiskii hore u gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladad Soomaaliya ayaana si adag uga hortimid damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan in ay hesho biyaha badda Soomaaliya qeybo kamid ah, waxa ayna dowladda Soomaaliya qaaday tallaabooyin adag oo damaca Itoobiya lagu diidan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabuuti oo Kenya ku eedeeysey iney qas & Xasilooni daro ka wado Geeska Afrika

Caydiid Ali

Kulane Jiis oo Maxkamad loo qalqaalinayo iyo doorashada Aqalka sare oo..

Caydiid Ali

TOOS U DAAWO: Dibed-bax ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka socda Eng. Yariisow Stadium

Caydiid Ali
Taboola Ads ---