Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray Ciidamo aad u hubeysan oo dagaal la galaya Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar ugu soo xiray dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubaland ee akadeemiyo guutada Birjeex ee ciidamada darawiishta Jubaland.

Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socday magaalada Kismaayo ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib tirayo jiritaanka kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay, iyo sidoo kale macalimiinta dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doona, isagoona rajeeyay in Al Shabaab laga saari doono deegaannada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka: “Madaxda Soomaalidu waa inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed”

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada oo Muqdisho kulan ku yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Madasha TICAD

Cabdi Cade
Taboola Ads ---