Allbanaadir.com
NEWS

James Swan oo ka hadlay sababta Somalia loogu doortay xubinimada Golaha Amaanka

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.

“Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay.

Waa markii labaad ee Soomaaliya ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoona tixgalinaysa horumarka, nabadda iyo xasilloonida ay ku talaabsatay.

Soomaaliya inay Golaha Ammaanka QM xubin ka noqoto waxaa ugu dameysay 1970-1972.

Related posts

Bandhig Saddex cisho socday oo Jaamacadda Benaadir lagu soo gebagebeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Puntland oo lagu dhawaaqay (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo nidaam cusub ku soo kordhisay adeega ay bixiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---