Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku qabsoomay Magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland.
Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu socda ay si mira dhal ah uga doodaan ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.
Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada Guddiga Joogtada ah ee maalmahan ka socon doona Magaaladda Kismaayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdigiisa booqashada shaqo ku jooga Jubbaland.
Madaxweynaha sheegay in ay Jubaland soo dhaweynayso qabsoomida shirka banbaxa kulamada Guddiga joogtada oo looga hadli doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.