Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Barlamaanka waxaa wehliya Gudddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo  xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha.

Waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Golaha wakiillada ee dowlad goboleedka Jubaland, wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku tagay Kismaayo ayaa ah banbaxa guddiga Joogtada, waxaana Magaaladaas ka dhici doona kulamada Guddiga joogtada oo looga hadli doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka fuliyay goob Al Shabaab shir uga socday

Cabdi Cade

Helista Shidaalka Soomaaliya ee sahankiisa bilowday Horumar mise hoog?

Cabdi Cade

(Xilka iyo xubiga kala dooro!) Qiso dhab ah oo qabsatay Taliye ku-xigeenka Booliska Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---