Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda maamulka ee lixda bilood ee soo socota (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka doorashooyinka golaha feegaanka, ansixinta miisaaniyadda dowladda ee June – December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay miisaaniyadda lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey goluhu. miisaaniyadda lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024).

Golaha Wasiirada waxaa booqasho sharafeed ku yimi Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro FC oo wadata Koobkii Horyaalka Naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen, waxaa lagu maamuusay in ay Koobka horkeeneen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Codsi deg deg ah u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade

(Akhriso) Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo eedeeyey afar ka mid ah heyaddaha DF

Caydiid Ali

Daawo: Farmaajo oo ku jahwareersan furitaanka Shirka Dhuusamareeb 3 & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---