Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciyaaryahan Caan ah oo xukun lagu riday kadib markii uu Daanka feer uga jabiyay Taksiile

Ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta ee Arsenal hadana katirsan Naadiga Rosenborg, Nicklas Bendtner, ayaa lagu xukumay 50-maalmood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.

Nicklas Bendtner, ayaa lagu helay dambi ah in uu daanka feer uga jabiyay Taksiile kadib markii uu dhax maray muran, waxaana muranka labada nin sababay in gacmaha iskula tagaan.

Ciyaaryahanka ayaa qirtay inuu feeray taksiilaha, waxa uu sheegay in sababtu ay aheyd inuu dareemay halis uga soo wajahan taksiilaha ka dib markii uu qasac dhankooda ku soo tuuray.

Xidigii hore ee xulka Qaranka Denmarka Nicklas Bendtner, ayaa racfaan ka qaatay xukunka xabsiga ah ee lagu riday, waxa uuna usii ciyaari doonaa kooxdiisa Rosenborg ee ka dhisan dalka Norwey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Naadigii K/Cagta ee Munishiibiyo oo 28 sano ka dib boorka laga jafayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo dadweyne badan kula hadlay Masjid kuyaala Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

RW Magacaaban oo telefan kula hadlay Madaxweynaha degaanka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---